koonfur
allxamar
header logo-111
|

Xidigta Fanaaniinta Soomaalida ee Norway Idil Barkhad Daawo Muuqaal Qurux badan

Magaalada Oslo ee dalka Norway waxay iska bareejaynaysaa Magaalada ay ku badan yihiin fanaaniinta yar yar ee Soomaalia ee London halkaas oo lagu tilmaamo hadda hoyga fanaaniinta maadama ay ka furan yihiin xarumaha Telefishinada Soomaalida iyo kooxaha Muusikada ku far yareysta iyo weliba hal abuurayaal qaali ah.
Dalka Norway waxaa maalin walba ka soo baxda Fanaanad dahabi ah oo durba soo jeedata dadweynaha Soomaalida, waxaa hadda idin haynaa fanaanada quruxda badan  Idil Barkhad Omar

Fanaanada Idil waxay Fanka soo gashay 1999 kii laakiin mar dhaxdan ayay ka fariisatay fanka balse hadda ayay dib ugu soo laabatay, Idil waxay ku dhalatay Magaalada Boorama.

Waxay Fanaanada heeso iyo shaw la sameysay fanaaniin waa weyn oo uu ka mid yahay fanaanka ugu heesaha badan soomaaliya Xasan Aadan Samatar, Fanaanka kale C/qaadir Macalin Jubba iyo Maxamed Xasan Lafoole.

Heestan Xanaano ay noo qaadeyso fanaanada reer Norway ee Idil Barkhad waxay ka hadlaysaa Jacayl waqti dheer oo dadka ka tilmaaman.

Qalanjada Fanka Idil waxay ka mid tahay fanaaniinta leh adeega isku xirka bulshada ee Facebooka, waa sidan cinwaankeeda, Idil Barkhad Laakiin, Aqristow si xishmad leh ula hadal Fanaanada adigoo ilaalinaya qiimaha ay leedahay Fanaanada oo waqtigeeda qaali ah idin siisay kadibna idin sameysay heeso ka hadlaya dareenkiina iyo dareenka guud ahaan bani’aadamka.

Sida ay newsomali.com u sheegtay Idil Heestan Xanaano ma aha mid iyada quseysa waxay qaaday sanadkii 2003 dii iyadoo xilligaas 14 jir ahayd, qeybta dambe heesta waxaa iska leh Mustafe kiiko

Haddii rabi idmo dhawaan ayaa idin soo gudbin doona Barnaamij gaar ah oo Fanaanada Idil Barkhad ka hadlayo

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented