koonfur
allxamar
header logo-111
|

Sharci Fududeynaya Xawaaladda Somalida Mareykanka oo loo Gudbiyay Aqalka Hoose Mudanayaasha

Sharci Fududeynaya Xawaaladda Somalida Mareykanka oo loo Gudbiyay Aqalka Hoose Mudanayaasha
 Laba mudane oo ka tirsan congresska Mareykanka ayaa shalay u gudbiyay congresska sharci ku saabsan xawaaladaha, kaasoo gacan ka geysanaya wax ka qabashada dhibaatooyinka lacag dirista ka heysta Somalida Mareykanka iyo dadyoowga kale ee dalkan ku nool ee eheladood lacagaha u dira.
Mudane,  Keith Ellison oo laga soo doorto Gobolka Minnesotta ee ay Somalida degto oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga iyo Mudane  Erik Paulsen, oo isna isla gobolkaasi laga soo doorto, balse u ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sharcigan si wada jir ah u soo saaray.

Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi oo ka mid ah rag in muddo ahba olele ugu jiray sidii Xawaaladaha somalida Mareykanka ay u heli lahaayeen – macaamil Bangi oo rasmi ah.

Muddo fog ayaa muran ka taagnaa Xawaaladaha Soomaalida ee ka furan Mareykanka iyo dunida inteeda kale iyadoo culeys fara badan la saaray Xawaaladaha Soomaalida iyadoo looga shakisan yahay Al qaacida ama in si fudud Xawaaladaha soomaalida loo marsiiyo lacagaha loo dirayo kooxaha Argigixisada Caalamka oo ay ka mid tahay kooxda al shabaab.

Sirdoonka Mareykanka ayaa dhawr jeer xiray Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee ka furan Mareykanka, waxaa dhawr jeer la joojiyay xiriirkii ka dhaxeeyay Xawaaladaha Soomaalida iyo Bankiyada Mareykanka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented