allxamar
|

Madaxweynaha J/F Soomaaliya oo kulan la Qaatay Ra’isul Wasaaraha Turkiga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga Racep Dayep Erdogan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa shalay gaaray Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana uu la kulmay Ra’isul wasaarayha dalka Turkiga, iyagoo isla gorfeeyay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya kana mid ah Wafdiga madaxweynaha la socda ayaa Warbaahinta Dowlada u sheegay in madaxweynaha dalka Soomaaliya uu la kulmay Ra’isul wasaaraha Turkiga, isagoo sheegay inay isku afgarteen dhamaanwax yabaihii ay ka wada hadleen, sida adkeynta amaanka iyo sidi kor loogu soo qaadi lahaa Dhaqaalaha Dalka oo mudo sanada ah ka maqnaa saaxada caalamka.

Madaxweynahab Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maalmo ka hor gaaray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, halkaasoo uu kula kulmay Dhigiisa Turkiga Abdalla Guul, iyagoo arimo badan ka wada hadlay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented