|

Xukuumadda oo mamnuucday ka ganacsiga agabka ciidanka

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa lagu mamnuucay ka ganacsiga agabka ciidamada.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu mamnuucday ka ganacsiga hubka, rasaasta, dharka ciidanka gaar ahaan tuutaha, booshashka iyo dhammaan qalabka ciidamada.

Shirka oo uu shir guddoominayay raysul wasaaraha ayaa lagu ballan-qaaday in la fulin doono qodobbada shirka ka soo baxay, kuwaas oo loo saaray xubno wasiirro ah.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in bishan dhammaadkeeda xoolaha laga dhoofin karo maxjarka ku yaalla deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, halkaas oo in muddo ah lagu baxnaaninayay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • deeqo: maasha alaaaaaaah maasha alaaaaaaaaah alxamdulilaaaaaaaaah allahu akbar ilaahayoow adeey mahad kuu sugnaatay...
  • hassan: SXB AAN WAR YAR KU SIIYO OGAADEEN WAA DAAROOD WAANA REER PUNTLAND WAANA REE JUBALAND MAXAA NOO KALA SOOCAAN...
  • hab: Ilahay waxaan uga baraayay inuu uqubadka soo sara. Wxaa sabab uu ahayay dagaalkii kismayo ka dhacay
  • adde: ali hiraabe kkkkkk nin ciil iyo cudur cuqdadeed dilooday dheh,,warkaaga waa hiraab warkiis kkkkk eeey eey...
  • ayub: heestaan waxaa is kaleh ala u naxariistee axmed shariif killer iyo luul jaylaani cali somali webset iyo waxa uu...