Qarax Ka Dhacay Suuqa Bakaaraka ee Magaalada Muqdisho
War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qarax xoogan gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Abaaro saacadu marki ay ahayd 1:10 ayaa gudaha suuqa laga maqlay qarax xoogan, kaasoo la sheegay inuu aha qarax meelaha fog laga hago.
Dhimasho iyo dhaawac aan la xisaabin ayaa la soo sheegayaa, waxaana socda gurmadka loo fidinayo dhaawacyada soo gaaray dadka shacabka ah.
Ciidamada ayaa furaya Rasaas xoogan, iyagoo luuqyada suuqa ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliiska ee Dowlada Soomaaliya.
Ilaa hada xaalada Suuqa ayaa kacsan, waxaana xirmay Goobaha Ganacsiga ee suuqa

