koonfur
allxamar
10752492_10152752711195675_1417165635_o header logo-111
|

Muqdisho oo heshay baabuur dab-damis cusub

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay xilli dhow gaaraan saddex baabuur dab-damis oo cusub, kuwaasoo lagula tacaali doono dabka, waxaa sidaasi Bar-kulan u sheegay duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan  ayaa sheegay inuu maamulka gobolka Banaadir labo dab damis ka iibsaday shirkad fadhiggeedu tahay magaalada Leicester ee dalka Braitan, taasoo uu sheegay inay sicir-dhimis fiican u sameysay.

Dab-damiska saddexaad waxaa ku deeqday hay’ad samafal ah, waxaana la soo marsiinayaa Dubai.

Tarsan wuxuu sheegay in labada dab-damis ee yaalla dalka Ingiriiska laga soo qaadi doono Southampton 19-ka bishan kaddibna la geyn doono Soomaaliya si loo horumariyo diyaargarowga maamulka ee ku aaddan la tacaalidda dabka.

Wuxuu intaas ku daray inay Soomaalida ku nool Birmingham bixiyeen qarashka xammuulka mid ka mid ah baabuurta, halka maamulkiisa uu bixinayo qarashka xammuulka midka kale.

Tarsan wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inay socdaan qorsheyaal lagu dayactirayo waddada Wadnaha ee gasha suuqa Bakaaraha iyadoo waddadaas lagu rakibi doono nalalka ku shaqeeya cadceedda si awood loogu siiyo suuqa inuu shaqeeyo 24 saac.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented