|

Lionel Messi oo maanta maraya Baaris Caafimaad kadib markii xalay ku dhaawacmay

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawacii Lionel Messi ka soo gaaray kulankii Benfica inaysan aheyn dhaawac daran.
25 jirkaan ayaa bareelo looga saaray garoonka ka dib markii dhaawac jilibka ah uu soo gaaray qeybigii danbe ee ciyaartii Barca ay barbaraha goolal la’aanta la gashay kooxda Benfica oo marti ku aheyd Camp Nou.

Kooxda reer Catalan ayaa ku shaaciyay bogooda Twitter in Messi uu nabar uu ka soo gaaray jilibka bidix islamarkaana uu mari doono baaritaano dheeri ah.

“Ma ahan wax fiican in la arko Messi oo ku baxaya bareelo” ayuu agaasimaha kooxda Andoni Zubizarette u sheegay Canal Plus wax ka yar ka dib dhamaadkii ciyaarta.

“Waa inaan sugnaa oo aan aragnaa waxa ay dhaqaatiirtu yiraahdaan.”

Markii hore ayaa laga cabsi qabay in dhaawac jab ah ama tirir ah inuu soo gaaray xiddiga Barcelona, laakiin warka ay shaacisay Blaugrana ayaa sheegaya in dhaawaca uu yahay mid fudud oo jilibka bidix ka soo gaaray ciyaaryahanka.

Xitaa hadii Messi uusan dhaawaciisa aheyn mid waqti dheer ah, waxa ay weli halis gelin kartaa fursadiisa uu ku jabin lahaa rikoorka Gerd Muller ee goolasha ugu badan ee hal sanno uu ciyaaryahan dhaliyay.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented