|

Oday dhaqameed lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa galabta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
 Goobjoogayal ayaa u xaqiijiyay newsomali.com oday dhaqameedka lagu dilay inta u dhaxeysa garaash uu soo dhigtay gaari uu watay iyo guriga uu degganaa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay Maxamed Maxamuud Yuusuf, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday.

Sagaalkii bishii hore waxaa Muqdisho lagu dila oday dhaqameed kale oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada cusub.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • deeqo: maasha alaaaaaaah maasha alaaaaaaaaah alxamdulilaaaaaaaaah allahu akbar ilaahayoow adeey mahad kuu sugnaatay...
  • hassan: SXB AAN WAR YAR KU SIIYO OGAADEEN WAA DAAROOD WAANA REER PUNTLAND WAANA REE JUBALAND MAXAA NOO KALA SOOCAAN...
  • hab: Ilahay waxaan uga baraayay inuu uqubadka soo sara. Wxaa sabab uu ahayay dagaalkii kismayo ka dhacay
  • adde: ali hiraabe kkkkkk nin ciil iyo cudur cuqdadeed dilooday dheh,,warkaaga waa hiraab warkiis kkkkk eeey eey...
  • ayub: heestaan waxaa is kaleh ala u naxariistee axmed shariif killer iyo luul jaylaani cali somali webset iyo waxa uu...