|

Kooxaha 16ka Champions League u soo gudbay

 Paris St Germain ayaa ka fujiysay macalinkeeda Carlo Ancelotti markii ay si dhib badan ugu soo gudubtay wareega 16ka Champions League  isla markaana ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group A markii ay  2-1 kaga badisay Porto.

Cristiano Ronaldo celebrates scoring Madrid’s first goal ©Getty Images

Ajax Amsterdam, waxaa loo xanbaariyay 4-1 guuldaro ah waxaana u dhiibtay Real Madrid, taasi waxey sababtay in ay iska xaadirisay tartanka Europe League.

Dortmund’s Julian Schieber is congratulated after scoring the only goal against City

Manchester City waxey koobka ku dhameystay musiibo kale markii 1-0 qasaaro ah ay kala kulantay Borussia Dortmund taasoo heshay booskeeda Group D.

Anderlecht ayaa loo diiday in ay ka qeybgasho ciyaaraha Europe markii ay 2-2 bareejo ah ay la gashay Malaga, taasoo kaalinta kowaad kaga soo baxday Group C, ciyaartaasoo ay hareeyeen rabashado xoogan.


Zenit St Petersburg oo 1-0 kaga badisay AC Milan, ayaa heshay booskii lagu aadi lahaa Europa League halka Milan ay kaalinta labaad ay ku soo baxday.

 Schalke 04 oo 1-1 bareejo ah la gashay Montpellier ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B markii ay ka faaiideystay guuldaradii ku dhacday Arsenal, taasoo kaalinta labaad kaga soo baxday groupkeeda walow ay 2-1 qasaaro ah kala kulantay Olympiakos Piraeus.Natiijadaasi waxey u suuragalineysaa Olympiakos  in ay ku aado koobka Europa League.


Isku aadka kooxaha u soo gudbay wareega 16ka waxaa la sameyn doonaa 20-ka Dec.

Sunni Said Salah

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • abwaan: odagaan aal kuliistaha ah waxa uu ku hadlayo ayaan la yaabey walaahi in aan xasan shariif madax weeyne ahaan...
  • Matan: ACWB, War daarood iyo hawiye waxbo idiinma tarayaan ee eebe ka baqa oo camalkiinna wanaajiya, waxaad ku...
  • gabar galgaduud: ahoryaa aniga su aal aan qa baare majeerteen iyo ogaadeen iyo dhulbahant mawaxay dhasheen 1991...
  • Mmcaawale: War reer daaroodoow sidaan miyaa garashadiinii kusoo aruuurtay si kasta oo xaal noqdaba baahi ku heysa...
  • mire xuseen fandhe: ahahahahah waakan isku xaaray dee adeer kursiga ad ku fadhiso gus hawiye ayaa ku hoos jira iska...