koonfur
allxamar
10752492_10152752711195675_1417165635_o header logo-111
|

Milkiilaha Chelsea Abramovich Oo Doonaya Inuu Soo Ceshto Avram Grant, Isagoo Aan Ku Kalsooneyn Rafa Benitez.

Milkiile Roman Abramovich ayaa ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo oo uu Chelsea ku soo celiyo Avram Grant, sida ay qoreyso Daily Mail.
Ninka reer Russia ayaa ka baqanaya inuu qalad ku sameeyay inuu kooxda keeno Rafa Benitez, waxaana uu doonayaa inuu Grant dib u shaqaaleeysiiyo si uu lataliye ugu noqdo tababaraha reer Spain taasoo uu u arko xal macquul ah.

Benitez oo ah tababare ku meel gaar ah ayaa seddex kulan kooxda qabtay laakiin weli wax guul ah ma uusan gaarin, waxaana uu mucaaradad weyn kala kulmayaa taageerayaasha kooxda.

Ka dib kulankii sabtidii ee guuldarada 3-1 ay ka soo gaartay West Ham, Abramovich ayaa la hadlay saraakiil sarsarre oo ka tirsan Chelsea oo ku aadan macquul ahaanshaha inuu dib u shaqaaleysiiyo ninkii uu ceyriyay ka dib finalkii Champions League 2008. Grant ayaa shaqo la’aan ay heysaa tan iyo intii uu ka tagay Partizan Belgrade dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Avram Grant ayaa la fahamsan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Benitez, taasoo ku dheerogelineysa Abramovich inay labada nin isla shaqeeyaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 3 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented