koonfur
allxamar
|

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Serie A Ee Kooxaha Inter Milan v Palermo

LINE-UPKA MACQUULKA AH:
INTER MILAN

Handanovic
Ranocchia, Samuel, Jesus
Zanetti, Gargano, Cambiasso, Nagatomo
Coutinho
Milito, Palacio
PALERMO

Benussi
Munoz, Milanovic, Garcia
Morganella, Barreto, Kurtic, Giorgi
Brienza, Dybala, Ilicic

Tababaraha kooxda Inter Andrea Stramaccioni ayaa indhaha ku haya inay ka soo kabsadaan qaab ciyaareedkoodii liitay ee ugu danbeeyay, waxaana ay doonayaan inay sii nooleyaan rajadooda horyaalka Serie A  inay gacanta ku dhigaan markii ugu horeysay 2010.

Si kastaba, Nerazzurri ayaa waxaa ka maqnaan doona Antonio Conte oo ganaax ku maqan, halka Gaby Mudingayi, Joel Obi, Christian Chivu iyo Dejan Stankovic ayaa iyagana dhamaantood dhaawac ku maqan.

Tababaraha 36 jirka ah ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu dib ugu soo yeerto line-upkiisa Walter Gargano, ka dib markii Freddy Guarin uu qaab ciyaareed liitay soo bandhigay kulankii ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Parma isbuucii hore.

Dhanka kale tababare Gian Piero Gasperini ayaa ka horimaan doona Inter markii ugu horeysay tan iyo markii kooxda laga ceyriyay September sannadkii hore.

Tababaraha Palermo ayaa sidoo kale ay dhibaato dhanka dhaawacyada heysataa ka hor kulankaan iyadoo Nicolas Bertolo, Andrea Mantovani, Steve von Bergen iyo Abel Hernandez ay dhaawac ku maqan yihiin.

Rosanero ayaa waxaa sidoo kale ganaax kaga maqnaan doona Massimo Donati iyo kabtankooda Fabrizio Miccoli.

 

MA OGTAHAY?
  • Inter ayaan guuldarro aysan ka soo gaarin Palermo sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay kula ciyaareen garoonkooda tartamada oo dhan.
  • Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Inter Diego Milito ayaan shabaqa soo taaban tan iyo markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Juventus bishii hore.
  • Nerazzurri ayaa ugu yaraan dhaliyay labo gool sideed kulan oo ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen garoonkooda horyaalka Serie A.
  • Palermo ayaan badinin 11kii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A ee ay marti ahaayeen.
  • Rosanero ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato Inter todoba ka mid ah sagaalkii kulan ee u danbeysay ee ay wajaheen inter.
  • Hadii aysan ahaan laheyn goolasha iyo caawinta ciyaaryahanka ganaaxa ku maqan Fabrizo Miccoli, Palermo waxa ay fadhin laheyn halka ugu hooseysa horyaalka iyadoo leh 10 dhibco

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 2 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented