koonfur
allxamar
header
|

Duqa Muqdisho Tarzan, Wasiiro hore iyo Xildhibaano ku cayaaraya Musiko laga tumaya Bartamaha Magaalada Muqdisho, Daawo Muuqaalka Baashaalka Xamar

21 sano Magaalada Muqdisho waxaa ka socday dagaalo, qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxaa taasi barbar socday burbur ku habsaday dhismayaasha Magaalada iyo waddooyinka waxaa lumay kalsoonadii shacabka taasina waxay keentay in Magacii Magaalada Caasimadda ahaa si xun loo fasirto.
Haatan Magaalada waxay ka soo kabsanaysaa dhaqankii foosha xumaa, dadka Magaalada waxaa u bilawday maalin cusub, Waxaa magaalada laga furay Hotelo waa weyn iyo baarar ay leeyihiin dad dibadda ka soo laabtay.

Intaas waxaa sii dheer kooxaha fanaaniinta oo iyagana ka tumaya baararka iyo xafladaha bulshada isugu yimaadan, sida muuqaalkan uga jeedan qaar ka mid ah Wasiiradii Dowladda KMG ah, ganacsato iyo haween fara badan ayaa qoob ka cayaar Musiko dhigaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Tarsan ayaa ka mid ah dadka Musikada ku cayaaraya, sidoo kale wasiirkii dastuurka Xukuumaddii Mr Jabriil iyo Wasiiradii arrimaha qoyska ayaa ka mid ah dadka Cayaarta Musikada ka muuqda.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 2 2012. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented