|

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo cagta la mariyay

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa guuldaradii ugu danbeysay ay ka soo gaartay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ciyaartii ugu danbeysay ee Group B ka dib markii guuldarro 7-0 ay ka soo gaartay xulka Tanzania.

Xulka Soomaaliya oo arbacadii xaqiijisatay inay ka hareen koobka Cecafa ee ka dhacaya Uganda ayaa kulankoodii ugu danbeeyay lagu sagootiyay guuldarro culus oo ka soo gaartay xulka Tanzania.

Soomaaliya waxaa shan gool ka dhaliyay Mrisho Ngasa, halka labada gool kale uu ka dhaliyay John Bosco,

Guuldaradaas ayaa ka dhigeysa tii seddexaad ee seddex kulan oo Group B oo ay ciyaartay Soomaaliya, waxaana ay dalka ku laabanayaan iyagoo laga dhaliyay 13 gool halka ay dhaliyeen gool kaliya kulankii ugu horeeyay ee Burundi.

Kulankii ugu horeysay waxaa 5-1 kaga badisay xulka Burundi, waxaa ku xigay kulankii Sudan ay kaga badisay 1-0, iyo kulankaan oo lagu xaaqay 7 gool.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 1 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • abwaan: odagaan aal kuliistaha ah waxa uu ku hadlayo ayaan la yaabey walaahi in aan xasan shariif madax weeyne ahaan...
  • Matan: ACWB, War daarood iyo hawiye waxbo idiinma tarayaan ee eebe ka baqa oo camalkiinna wanaajiya, waxaad ku...
  • gabar galgaduud: ahoryaa aniga su aal aan qa baare majeerteen iyo ogaadeen iyo dhulbahant mawaxay dhasheen 1991...
  • Mmcaawale: War reer daaroodoow sidaan miyaa garashadiinii kusoo aruuurtay si kasta oo xaal noqdaba baahi ku heysa...
  • mire xuseen fandhe: ahahahahah waakan isku xaaray dee adeer kursiga ad ku fadhiso gus hawiye ayaa ku hoos jira iska...