|

Shariif Xasan oo Loolan adag ka bilaabay Magaalada Muqdisho, Muxuu damacsan yahay, Beelaha Hawiye iyo Darood ma ku raacsan yihiin Qorshiisa cusub, Warbixin

Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia  Shariif  Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in  Gobolada Konfureed ee Somalia  samaystaan hal Maamul Goboleed.
 Shariif  Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu  caqabaado badan kala kulmay  Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne  u ka noqdo.

Warar  laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen  islamarkana ay xaliyeen  khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka  Konfur Galbeed State.

Shariif Xasan  Sh Adan oo  ah  hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha  Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya  qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha  daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.

Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay  6 gobol oo kala ah  Bay, Bakool, Sh.dhexe  Jubbada hoose  , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha  Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.

Shariif  Xasan ayaa waxaa  dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka  Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia waxa sido kale uu sakiintisi caanka ahayd u isticmaali doona dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado .

Beelaha Daarood ee dega Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qaarkiid raacsan Shariif halka qaar kale ay ka soo horjeedan sidoo kale Hawiye ayaa ka cabsi qaba qorshaha Shariif Xasan wata.

Ma cada sida u ku hergali karo  Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga  Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana  ay guda galeen oo ay Dasturkiba  qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.

Ambasciatore somalo “Totò truffa”  mette in affitto la sede in via Villini


Xubno ka tirsan Al Shabaab oo ka baxsaday Xabsi ku yaala Magaalada Baydhabo, Yaa ka dambeeyay Fadeexadaas?

Sirdoonka Al-shabaab oo kireeystay Hoteelada Muqdisho ugu qaalisan, Maxaa ku dhacay Sirdoonka Dowladda, Yaase qarashka siiya?Warbicxin iyo Sawiro


Dowladda Soomaaliya oo cagta marin doonta Gobolo iyo Degmooyin uu magacabay Madaxweyne hore Shariif Sh Axmed

 Duqa Muqdisho Tarzan, Wasiiro hore iyo Xildhibaano ku cayaaraya Musiko laga tumaya Bartamaha Magaalada Muqdisho, Daawo Muuqaalka Baashaalka Xamar

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 1 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented