koonfur
allxamar
header
|

Rafa Benitez iyo Chelsea oo xaalada ku sii xumaatay

Kooxda Chelsea ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay kooxda West Ham oo ku badisay 3-1 ciyaar ka dhacday garoonkeeda Upton Park. Waa guuldaradii ugu horeysay ee soo wajahday Rafa Benitez intii uu macalin u noqday Blues.
Rafa Benitez oo raadinayay guushiisii ugu horeysay ee kooxda Chelsea ayaa wax ka bedelay line-upka kooxda Blues isagoo ku soo shirtagay Victor Mosses keydna geliyay Oscar.

Chelsea ayaana weerar ku bilaabatay ciyaarta, iyagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 13aad ee ciyaarta, markii Victor Mosses uu kubad u dhex bixiyay Fernando Torres kaasoo isna u dhigay Juan Mata oo kubada shabaqa ku hubsaday.

Waa goolkii ugu horeysay ee ay Chelsea dhaliso tan iyo markii uu macalin u noqday Rafael Benitez bishii hore.

Chelsea ayaa weeraro kale sameysay balse ma aysan sii dheereysan hogaankooda, iyagana ayaana kubada inta badan heystay qeybtii hore oo ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku hayeen.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wax ay iska bedelen ciyaarta iyadoo daqiiqadii 63aad ay West Ham  heshay goolkii barbaraha markii Charlton Cole uu madax ku dhaliyay goolkii barbaraha.

Waa goolkiisii ugu horeysay ee uu ka dhaliyo Cole kooxdiisii hore.

Chelsea ayaa islamarkii isku dayday inay hogaanka ku laabato iyadoo Juan Mata uu birta ku dhuftay kubad laad xor aheyd .

West Ham ayaana hogaanka ciyaarta qabatay markii ugu horeysay daqiiqadii 86aad markii Mohamed Diame uu kubad qatar aheyd uu shabaqa ku hubsaday.

Xaalada Chelsea iyo tababare Rafa Benitez ayaana ka sii dartay markii West Ham ay heshay goolkii guusha u sii xaqiijiyay daqiiqadii ugu horeysay ee afar daqiiqo ee ciyaarta lagu daray ka dib markii uu gool u dhaliyay Maiga.

Guuldaradan ayaa ah tii ugu horeysay ee soo gaarta kooxda Chelsea tan iyo intii uu macalin u noqday tababare Rafa Benitez, kaasoo seddex kulan oo uu kooxda hayo ka dib aan wax guul ah gaarin.

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin 7dii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League seddex kulan oo ka mid ah laga badiyay halka 4ta kulan kale ay barbaro galeen, waana mudadii ugu dheereyd ee guul la’aan ay soo wajahdo Premier League tan iyo Febraayo 1995tii markaasoo ay badin waayeen 10 kulan oo isku xigta.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 1 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented