koonfur
allxamar
header logo-111
|

Daawo Muuqaalo Ciidamada Kenya oo jirdilaya dhalinyaro Shabaab lagu tuhmay, Maxaa laga yiri

Bogga ay Xarakadda Al-Shabaab ku leedahay aaladda Twetter-ka ayaa waxaa lagu soo bandhigay askar Kenyan oo jir dil xoogan u geysanaya dhalinyaro lagu tuhunsan yahay inay Shabaab ka tirsan yihiin kuwaasoo laga qabtay magaalada Kismaayo.
Sida uu ku waramayo wargeyska la yiraahdo Las Vegas Sun ee dalka Maraykanka kasoo baxa muuqaalka ay Shabaabku baahiyeen waxaa ka muuqanaya askar Kenyan ah oo si ka baxsan bini’aadanimada ula dhaqmayaan labo ruux oo dhalinyaro ah oo aan la sheegin wadanka ay u dhasheen oo la waydiinayo su’aalo la xariira waxa ay ka yaqaanaan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Afhayeenka Al-Shabab ayay warbixintu sheegaysaa inuu sheegayo in ciidamada Kenya ay ku xad gudbayaan dadka Muslimiinta ah oo ay kula kacayaan falal Islaamnida liddi ku ah.

Al-Shabab waxay sheegeen in muuqaalkaan oo ay ka heleen mid ka mid ah Tvyada wadanka Kenya waxaana dhalinyaradaan su’aalaha lagu weydiinayaa luuqada Sawaxiliga oo dalka Kenya looga hadlo.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay baarayaan in wax cajalada ka muuqda ay ciidamo yihiin iyo in kale.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 30 2012. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented