koonfur
allxamar
10752492_10152752711195675_1417165635_o header logo-111
|

Waa Maxay xiriirka Qarsoodiga ee ka dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir? Warbixin iyo Sawirada Labada Nin

Dad badan ayaa la yaabay xeerka uu gaarsiisan yahay xiriirka wada shaqeyn iyo midka hoose ee ka dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamud iyo ninka muddooyinkan dambe gilgilay Madaxtooyada Faarax C/qaadir.

Sawirada Safarka Jabuuti
Faarax C/qaadir waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, sanado ka hor waxaa uu ahaa Maamulo hay’adda Waxbarashada FPENS ee Magaalada Muqdisho.

Faarax C/qaadir waa ninka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ninkaan mar mararka qaar uu diyaarinayaa go’aanada uu qaadanaya madaxweyna iyo waliba waxyaabaha uu ka hadlayo.

Faarax hada wuxuu daganyahay xarunta madaxtooyada waxayna madaxweynaha cusub ay wada qaataan kulamo joogto ah, waxaana uu ka war haayaa talaabo kasta oo uu madaxweynuhu uu qaadayo iyo kulamada uu madaxweynuhu la yeelanayo wafuuda u imaanaysa.

Sidoo kale Faarax oo dadka Magaalada Muqdisho ugu yeeran Faarax Sakiin waxaa la bara Madaxweynaha dalalka kale iyo Wasiirada Marka Madaxweynaha u socdaalo dibadda waana ninka kulamada qarsoodada ah ee lala yeesha madaxda dibadda ku weheliyo Madaxweynaha soomaaliya.

Safarada Dibadda isaga ayaa soo xula xubnaha Madaxweynaha raaca xataa waa kaga awood badan yahay Wasaarada arrimaha dibadda xafiiska Madaxweynaha.

Ninkaan wuxuu ka tirsanaa Xisbiga uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud ee Nabada iyo Horumarka, wuxuuna ka midyahay dadkii keenay fikrada ah in xisbigaan la dhiso isla markaana xisbiga uu noqdo mid siyaasadeed.

Safarkii ugu horeeyay Madaxweynaha ku tago dibadda waxaa uu ku tagay dalka Uganda, xubnihii Madaxweynaha ku weheliyay kulamadii lala yeeshay Madaxweynaha uganda waxaa u ahaa Faarax.
Sawiradii Uganda

Haatan Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu tagay Jabuuti Faarax waxaa uu ka mid ahaa dadkii sida gaarka ah loo baray Madaxweynaha Jabuuti.

Maanta oo Madaxweynaha ku sugan yahay Adis ababa Faarax C/qaadir waxaa la bari doona Siyaasiyiinta Itoobiya, berina waxaa la barayaa Madaxda kenya.

Lama oga sirta hoose ee ka dhaxaysa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir laakiin ragg badan oo horey Siyaasadda saaxiib ku ahaa ayaa ugu dambeyntii noqday cadaw aan is jacelayn.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 28 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented