Daawo Dhismayaasha cusub iyo Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Muuqaalo kale Muqisho shalay iyo maanta
Muuqaalada ugu dambeeyay ee laga soo qaaday Magaalada ay ragaadiyan dagaalada wejiyada badan ee Muqdisho ayaa muujinaya in Magaalada ay ka soo kabsanayso burburkii ku habsaday 21 sano oo dalka Soomaaliya Maamul la’aan ka jiray.



Dadka Magaalada Muqdisho ayaa dhooban waddooyinka iyagoo aysan ka baqaynin madaafiic iyo dagaalo hubka culus la isku adeegsado, laakiin mararka qaar ayaa magaalada waxaa ka dhaca qaraxyo ay soo abaabuleen kooxda mayalka adag ee al shabaab.



Sawiradan ayaa laga soo qaaday Magaalada waxay muujinayaan in dhismayaal cusub ku soo badanayan Caasimadda Soomaaliya iyadoo dad fara badan dib ugu soo laabtay Magaalada.


Sawiradan kale ayaa iyagana muujinaya burburkii soo gaaray Caasimadda Muqdisho,waxaa dhulka galay dhamaan dhismayaashii ku yiilay Magaalada, Bal Daawo


