Xabiiba Wanaag heestii alahayoow dad ma aqaan
Fanaanada caanka Xabiibo Wanaag oo ka mid ahaan jirtay Kooxda Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya 20 kii sano la soo dhaafayna ku nooleyd dalka Sweden ayaa muuqaal soo saartay heesteeda Xabiiba Wanaag heestii alahayoow dad ma aqaan.
Xabiibo Wanaag waxay ka mid tahay fanaaniinta fara ku tiriska ah ee weli ka dhex muuqda fanka cusub ee Soomaaliya horeyna uga mid ahayd kooxdii Iftiin waxayna ka mid tahay kuwa aadka looga jacayl yahay dalkeena.

